Xubno katirsan Al Qaeda oo lagu dilay Yemen

Image

Labo hogaamiye oo katirsanaa Ururka Al Qaeda ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Bariga magaalada Zinjibar, ee koonfurta dalka Yemen.

Hogaamiyaasha oo aan magacyadooda la shaacin ayaa lagu dilay gantaal diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, oo ku dhufatay Mooto ay la socdeen oo maraysay  magaalada Zinjibar, oo ah xarun garabka Al Qaeda ee  gacanta Carabta (AQAP) .

Magaalada uu weerarku ka dhacay ee Zinjibar waxay caasimad u tahay gobolka Abyan, oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda Yemen iyo Xoogaga Al Qaeda.

Wali dowladaha Yemen iyo Mareykanka kama aysan hadlin weerarka lagu dilay hogaamiyaasha katirsanaa Al Qaeda.

Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamadiisa ay 30 weerar  ka fuliyeen Jimcihii lasoo dhaafay Koonfurta dalka Yemen, gaar ahaan magaalooyin ay ku xoog badan yihiin dagaalyahanada Al Qaeda.

Dowladda Mareykanka ayaa u aragto Al Qaedada Yemen inay tahay khatarta ugu weyn ee ku wajahan danaheeda Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM