Xubno katirsan Al Qaeda oo lagu dilay Yemen

Image

Labo hogaamiye oo katirsanaa Ururka Al Qaeda ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Bariga magaalada Zinjibar, ee koonfurta dalka Yemen.

Hogaamiyaasha oo aan magacyadooda la shaacin ayaa lagu dilay gantaal diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, oo ku dhufatay Mooto ay la socdeen oo maraysay  magaalada Zinjibar, oo ah xarun garabka Al Qaeda ee  gacanta Carabta (AQAP) .

Magaalada uu weerarku ka dhacay ee Zinjibar waxay caasimad u tahay gobolka Abyan, oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda Yemen iyo Xoogaga Al Qaeda.

Wali dowladaha Yemen iyo Mareykanka kama aysan hadlin weerarka lagu dilay hogaamiyaasha katirsanaa Al Qaeda.

Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamadiisa ay 30 weerar  ka fuliyeen Jimcihii lasoo dhaafay Koonfurta dalka Yemen, gaar ahaan magaalooyin ay ku xoog badan yihiin dagaalyahanada Al Qaeda.

Dowladda Mareykanka ayaa u aragto Al Qaedada Yemen inay tahay khatarta ugu weyn ee ku wajahan danaheeda Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM