Xujay Somali ah oo diiday inay dib ugu noqdaan dalkooda

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Jariidada Al-watan ee kasoo baxda dalka Sacuudiga ayaa ogaatay in xujeey Somali ah oo lagu qiyaasay %31.48 diideen inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia.

Xujayda ayaa sida la sheegay waxay ku andacoonayaan inaysan amni wanaagsan iyo dhaqaale fiican ku haysan Somalia.

Mas'uuliyiinta Jariidada waxa soo xiganaysaa saraakiil iyo shirkadaha duulimaadka ee ku dhow xujeeyda Somali-da kuwaasi oo sheegaya in aysan meelna uga socon wadankaasi Boqortooyada.

Dawladda Sacuudiga ayaa wararku sheegayaan inay u dirsadeen dalab ku aadan sidi ay u sii joogi lahaayeen dalkaasi.

Madaxa arrimaha xujeyda Somalida Axmed Luqman oo Jariidada la hadlay ayaa sheegay in warkaasii uu maqlay, balse sugi doonan wixii dhaca xilliga kama dambeysta ah ee xujeeyda loo qabtay inay wadanka isaga baxayaan oo ah 15-ka bisha Muxarram.

Sanado ka hor ayay ahayd markii muwadiniin Suuriyaan ah sidaan oo kale Sacuudiga uga codsadeen inaan lagu celin dalkooda. 

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM