Xujey ka socota dalka Qatar oo soo gaartey Wadanka Sucuudiga

Image

JEDDAH- 100-kii qof ee ugu horeysay Xujey ka socota dalka Qatar ayaa ka soo gudbey Salwe ee ku taal xadka u Wadankaan la leeyahay dalka Sucuudiga waxaana halkaas ku soo dhoweeyey saraakiil.

Xujeydaan ayaa Wadanka Sucuudiga ku soo galay iyagoo aan wadan waraaqaha dal ku galka waxayna marti u yihiin King Salman iyadoo la bixinayo dhamaan kharash ku baxaya.

Boqorka dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in dadka Xujeyda ah ee ka socda dalka Qatar lagaga soo qaado garoomada Dammam iyo Al-Ahsa diyaarado ( Saudi Arlines) laguna geeyo magaalooyinka barakeysan Madina iyo Jeddah.

Col. Hassan Al-Dossari oo ah madaxa waaxda socdaalka Salwe ayaa Arab news u sheeegey in ay sharaf u tahay iney u adeegaan Martida Ilaahey (Xujeyda) isagoo xusey iney ku faraxsan yihiin go'aanka boqorka dalka Sucuudiga ku fasaxay walaalaha Qatar.

Dalka Sucuudiga iyo wadamada kale ee khaliijka xulifada yihiin ayaa xiriirka u jarey Wadanka Qatar halka dhinaca kale cunaqabateyn ku soo rogeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM