Xukunka rag qarax u maleegay Soomaali oo la ayiday

Image

WASHINGTON, USA – Maxkamad rafcaan kuna taala waddanka Mareykanka ayaa ayiday xukun xabsi laguna ridday saddex shaqsi kuwaas oo lagu helay in ay qarax u malaageen dhismo ay deganaayeen Soomaali iyo masjid kuwadana yaala ismaamul goboleedka Kansas ee dhaca Galbeedka dalka USA.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu kala magacaabaa Curtis Allen, Gavin Wright iyo Patrick Eugene Stein. Garsoore heer degmo ayaa 2018-kii wuxuu helay in ay qorsheeyeen in hub u adeegsadeen burbur baaxad leh iyo in ay ku xadgudbeen xuquuqda madaniga ee Muslimiinta ku nool Garden City oo ah dhismo balaaran.

Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii, garsoore Eric Melgren ayaa Allen wuxuu ku xukumay 25-sano xabsi ah, Wright oo 26-sano, iyo Stein oo 30-sano ah.

Saddexdan shaqsi ayaa xukunkaas ka qaatay rafcaan ay u gudbiyeen Maxkamadda darajadda 10aad ee Circuit, waxayna ku doodeen in garsooraha uu iska-indha-tiray dalab is-difaac oo Hay'ada Sirdoonka Federaalka ee FBI ay siisay.

Guddi garsoore oo ka kooban saddex garyaqaan ayaa Isniintii todobaadkan ku gacan-seyray doodooda. Guddigan wuxuu go’aamiyey in raggan aysan xaq u lahayn in ay is-difaacaan maadaama ay kusoo gudbin waayaan todoba maalmood oo sharciga u ogolaanayo oo fursad loo siiyey.

FBI ayaa adeegsatay sarkaal sirdoon dharcad ah kaasoo iska-dhigay ruux ka ganacsada hubka isla markaana shaqsiyaadkan ka iibiyey hubka. Qodobka waa midka ay ku doodayaan xukumaneyaasha oo ah in la shirqoolay.

Hasa ahaatee, guddiga wuxuu ku adkeystay in talaabadan ay sax ahayd isla markaana looga hortagayey fal-dambiyeed waxaana ay go’aamiyeen in saddex nin ay ku fashilmeen in aysan ku dhicin ama ka badbaadaan dabinkaas.

"Tani waa caddeynta ugu weyn ee loo hayo in xukumaneyaasha ay doonayeen in ay ku dhacaan falkaas," ayuu Guddiga ku yiri qoraal uu soo saarey.

Stein wuxuu ahaa sahmiye soo ogaadeyey in dhismaha uu yahay mid balaaran horeyna u beegsatay maleyshiyo, halka Allen uu ku mashquulsanaa diyaarinta qaraxyadda kahor inta aysan la kulmin saraakiisha sirdoon ee dharcada kuwaas oo soo gabagabeeyay una gudbiyey laamaha ammaanka kahor fulinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM