​Xukunkii dilka oo laga joojiyay Maxamed Mursi

Image

Maxkamadda sare ee Masar ayaa go'aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

Sanadkii hore, Mr Morsi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu eedeeyay xabsi laga baxsaday waqtigii kacdoonkii 2011.

Mr Morsi oo ka mid ah xisbiga Akhwaan Muslimiinta ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto kadib kacdoonkii Carabta.

Laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga 2013-dii, kadib mudaaharaadyo looga soo horjeeday dowladiisa.

Tan iyo waqtigaas wuxuu u xiran yahay danbiyo kale oo lagu xukumay waqti dheer.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM