Xukuumada cusub ee DF Somalia oo la filayo in lagu dhawaaqo

Image

MUQDISHU Feb 5, 2015 [ GO]- Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in la filayo caawa ilaa berri in lagu dhawaaqo golaha xukuumada cusub iyadoo diyaar garow uu ka socda xafiisyada madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid.

Xukuumada lagu dhawaaqayo ayaa la filayaa in lagu daro Shanta wasiir oo dhiman, ku-xigeeno, wasiiru dowlayaal iyo in wax laga badalo magacyada 20-ka wasiir oo horey loo magacaabey.

Barlamanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa Ra'isal wasare Cumar Cabdirashid horey u siiyey muddo Toban cisho taasoo ku eg maalinta Isniinta soo socota.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa maalmo soo hormarin doona magacaabistaan hadii sida la filayo caawa ilaa berri lagu dhawaaqo xukuumada cusub iyadoo uu rabo inuu ogodaado sida xildhibaanada u arkaan magacaabista golaha cusub.

Waxaa la filayaa in wasiir ku-xigenada iyo wasiiru dowlayaasha noqdaan xubno ka tirsan kudladaha Barlamanka Federaalka kuwaasoo horey u diidey labo xukuumadood ee lasoo magacaabey.

Magacaabistaan ayaa ku soo beegmeysa xili magaalada Muqdishu ku sugan yihiin madaxweynayasha maamulada Puntland, jubaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM