Xukuumadda Falastiin oo is casilaysa

Image

Dawladda wadaaga ah ee Falastiiniyiinta ayaa is casilaysa sida uu ku dhawaaqay Madaxwayne Maxamuud Cabbaas.

Waxa uu u sheegay xisbigiisa Fatax in la kala dirayo golaha wasiirada, sababtuna ay tahay in Xamaas oo ay is hayaan aysan u ogolayn in ay ka hawlgalaan Qaza, halkaas oo ay Xamaas maamusho.

Warbixinada qaar ayaaba ku talinaya in lagayaabo in xukuumadu ay isku casisho saacado gudahood.

Golaha wasiirada waxaa la dhaariyay bishii lixaad ee sanadkii hore si la isugu dayo in la yareeyo is fahan la’aanta u dhaxaysa Fatax oo maamusha Daanta Galbeed iyo Xamaas.

Labada dhinac kala gooni ayay ay wax u maamulayeen tan iyo markii Xamaas ay ku guulaysatay doorashadii 2006-dii, Qaza waxaa fatax laga saaray 2007.

Inkasta oo Fatax iyo Xamaas ay si rasmi ah u heshiiyeen, laakiin kala qaybsanaan wayn ayaa sii jirtay taas oo curyaamisay siyaasaddii, sida ay ku soo waramayso wariyaha BBC Yolande Knell.

Fatax waxay Xamaas ku eedaysay in ay isku dayayaan in ay Qaza ka abuuraan dawlad Islaami ah oo madax banaan.

Xigasho: BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM