Xukuumadda Pyongyang oo u digtay USA

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waddanka Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay awoodeeda Milateri kadib xaflad ka dhacay magaalada caasumadda ah ee Pyongyang taasoo loogu dabaal dagayay 105 sano guuradii kasoo wareegtay dhalashada hogaamiyihii aas-aasay dalkaas Kim Il-sung.

Bandhiggan milateri ayaa muujinaya awoodda dalkaas, waxayna hanjabaad usoo jeediyeen Maraykanka oo ay uga digeen inuu faraha lasoo galo masiirka Pyongyang ee xilligan.

Gantaalaaha ayaa socod lagu marsiiyey xaflad ka oo uu daawanayey hogaamiyaha xukunka haya Kim Jong-un oo uu awoowe u yahay madaxeynihii ugu horreeyey dalkaas.

Shiinaha ayaa ka digay dagaal waqtigan ka dhaca Gobolka, oo dhex mara Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya, iyadoo Milateriga Mareykanka ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen meel ku dhow xuduuda, iyaga iyo ciidamada Koofur Kuuriya

Xaaladda labada waddan ayaa sii xumaanaya muddooyinkii dambe kaasoo salka ku haya hubka wax gumaada ee Nuclear ka loo yaqaano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM