Xulafada Mareykanka oo weeraraya Suuriya iyo Ruushka oo u hanjabay

Image

WASHINGTON — Dowlada Mareykanka ayaa Talaadadi shalay kala tashatay xulufadeeda diyaargarowga tallaabo milatari oo ay ka qaado Suuriya, kadib weerar loo adeegsaday hub kiimiko ah oo Sabtidi lagu qaaday deegaan ay maamulaan mucaaradka Suuriya.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Heather Naurt ayaa sheegtay in ay raadinayaan jawaab wadajir ah oo abaabulan oo ay suurtagal tahay in ay noqon doonto tallaabo milatari.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in ay ka shalaayi doonaan kuwi ka danbeeyay weerarki kiimiko ee loo geystay Bariga Ghouta, kaasoo dilay ugu yaraan 40 ruux.

Trump ayaa weerarkaasi ku eedeeyay dowlada Suuriya, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Bishar Al Asad iyo sidoo kale dowladaha taageera ee kala ah Iran iyo Ruushka.

Dhanka kale, Safiirka Ruushka u fadhiya Lubnaan Alexander Zasypkin ayaa sheegay in Gantaal kastoo Mareykanku ku rido Suuriya ay ka hortagi doonaan, isagoo sheegay in tallaaba kasta oo uu qaado maamulka Trump uu dusha u ridan doono wixii ka yimaada.

Arintani ayaa kusoo aadaysa xili Xiriirka diblimaasiyadeed ee Ruushka iyo Mareykanka uu gaarey meeshii ugo hooseysay, kadib markii labada dal midba midka kale uu soo eryay diblomaasiyiinta dalkiisa joogtay.

Trump ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu faragelin ku haya arrimaha dalalka reer galbeed, gaar ahaan Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub, kadib markii dhawaan Sarkaal horey uga tirsanaa Sirdoonka Ruushka lagu sumeeyay Ingiriiska isago iyo gabadhiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM