Xuutiyiinta oo weeraray garoon ku yaala Sacuudiga

Image

RIYADH, Suadi Arabia – Isbaheysiga uu Sacuudiga horkacayo ee la dagaalamaya xoogaga Xuutiyiinta ayaa sheegay in falaagadda reer Yemen ay Arbacada maanta ah weerareen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Axba.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xulafadda, weerarkaas ayaa sabbaay in uu dab qabsado diyaarad waqtigaas taagneyd garoonka isla markaana gaadiidka dab-damiska ay ka howlgaleen falka kadib.

Telefishinka Al Carabiya ee ay maalgeliso xukuumadda Riyadh ayaa wariyey in uusan jirin waxyeelo nafeed oo weerarka sababay.

"Weerar argagixiso oo fuleynimo ah ayay malyeshiyaadka Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Axba. Diyaarad rakaab ah oo garoonka joogtey ayaa qabsaday waana lagu guuleystay in la xakameeyo," ayuu TV-ga kasoo xigtay Isbaheysiga Carbeed.

Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer horey u weeraray garoonka Axba oo ku yaala koonfurta Sacuudi Carabiya kana mid ah kuwa ay ka degaan madaarada diyaaradaha caalamiga ah eek u yaala dalkaas.

Riyadh ayaa waxay la dagaalameysaa Xuutiyiinta oo la sheego in ay taageero ka helaan Iiraan tobbankii sano ee lasoo dhaafay.

Weeraradda Xuutiyiinta ku beegsadaan Sacuudi Carabiya ayaa sababay in Riyadh ay heegan geliso ciidamadeeda iyo dhamaan nidaamyadeeda difaaca kuwaasoo ay tirro dheer ah ku kordhisay sanadihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM