Xuutiyiinta Yemen oo wadahadal ogolaaday

Image

08 Octobar, 2015(GO)-War ka soo baxay Qarmada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xuutiyiinta Yemen ogolaadeen inay joojiyaan dagaalka khasaaraha badan dhaliyay ee ka socday lixdii bilood ee la soo dhaafay dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa tilmaamay inay qaateen Xuutiyuuntu wadahadal dhexmara iyaga Dowladda dalkaasi.

Waxaa la isugu imaan doonaa sida UN-ku sheegeen shir wadaxaajood oo Qarmada Midoobay garwadeen ka tahay.

Kulan ka dhacay New York,  ayaa lagu shaaciyay hormar laga sameeyay arrinta wadahadalka dalkaasi, waxaana loo magacaabay Yemen Egay u fadhin doona Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo lagu magacaabo Ould Cheikh Ahmed.

Colaadda ka socota dalka Yemen, waxaa ku dhintay in ka badan 5 Kun oo qof, halka tira intaasi ka badan ku barakaceen, waxaana si xooggan ugu dagaalamay isbahaysiga uu garwadeenka ka yahay Sacuudiga iyo Xutuuyiinta Yemen oo taageero ka hela Iran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM