Yahuuda oo todobaadii labaad duqeyneysa magaalada Gaza

Image

GAZA, Falastiin - Duqeymaha Yahuuda ee dhulka Falastiin ayaa galay todobaadii labaad. Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu wuxuu ku goodiyey in ay sii wadayaan beegsiga Gaza.

Warar qaar ayaa xusaya in Israa'iil ay diidey xabad-joojin ay ogolaatay Xamaas kadib soojeedin ka timid wafdi ka socday Masar oo booqdey caasimada Yahuuda ee Tel Aviv.

Illaa hadda, weerarada Israel ee magaalada Qasa oo bilowday Axada todobaadkii lasoo dhaafay waxaa ku nafwaayey ku dhowaad 150 qof, iyaddoo dhaawaca boqolaal yahay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, ayaa cambaareeyay "xadgudubyada cad" ee Israel ay ku hayso xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta.

Diblumaasiga ayaa wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay si deg deg ah wax uga qabato sidii loo joojin lahaa howlgalada milatari ee dhimashada badan dhaliyay ee Marinka Gaza.

Geesta kale, booliska Kashmir gaar ahaan qeybta ay Hindiya maamusho ayaa xiray ugu yaraan 20 qof, oo uu ku jiro wadaad caan ah kaasoo u duceeyay Falastiin iyo farshaxamiiste sameeyay sawir uu ku taageeray shacabka Falastiin.

Qoyska 32-jir Mudasir Gull waxay mas'uuliyiinta ku eedeeyeen faafreebid iyo ku xadgudbida xorriyadda fekerka, iyaga oo cod dheer ku dalbadey in uu xorriyadiisa ku helo si shuruud la'aan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM