​Yaxya Jammeh oo mar kale diiday inuu xilka wareejiyo

Image

Madaxweynaha looga adkaaday doorashada dalka Gambia ka dhacday dabayaaqadiis sannadkii hore, ayaa ku gacan-sayray dalab uga yimid hogaamiyaasha dalalka Galbeedka Africa oo ku aadan inuu xilka ku wareejiyo ninka ka adkaaday ee Adama Barrow.

Yaxya Jammeh, oo shalay kulan la yeeshay madaxda Africa qaybtood, ayaa xusay inuusan wareejin doonin xilka islamarkaana uu dalka sii xukumayo maadama doorashadii dhacday ay ahayd mid la musuq-maasuqay.

Madaxda Africa, ayaa usoo jeediyay inuu kursiga ka dago  19 bishan.

Tallaabadaas ayaa keentay in hogaamiyaha mucaaradka ee ku guulaystay xilka Madaxweynaha Gambia Adama Barrow uu la safro wafdi heer gobol ah oo ka socda ECOWAS.

Waxay u amba baxeen dhinaca dalka Mali, halkaasoo la filayo in wadahadallo dheeraadka ah ka dhacaan.

Wakiilka Qaramada Midoobeey, Maxamed Ibnu Jambas, wuxuu u sheegay golaha amniga in ECOWAS qorshaynayso dalab ay u dirayso UN-ka si ciidamo loo geeyo Gambia.

ECOWAS, ayaa ku howllan dadaal kasta oo xilka looga qaadayo Madaxweyne Yahye, waxayna intaas ku dareen inay ka dhabayn doonaan sidii talada gacanta loogu galin lahaa dadka reer Gambia.

Shacabka dalkaas, ayaa qaybtood bilaabay inay u qaxaan wadamada deriska la ah sida Senegal iyagoo ka cabsanaya dagaallo dhexmara mucaaradka iyo dowladda xilka iminka haysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM