Yemen: Banaanbaxyaal careysan oo gudaha u galay Madaxtooyada

Image

CADDAN, Yemen - Dibadbaxayaal careysan ayaa si nabad ah dib loo hor-istaagay ka dib markii ay weerareen xarunta madaxtooyada ee magaalada koonfurta Yemen ku taal ee Cadan, oo ah xarunta dowladda dagaalka uu aafeeyey ee caalamku aqoonsan yahay.

Banaanbaxayaasha ayaa jabsaday Qasriga Madaxtooyada ee Maashiq gelinkii hore ee Talaadadii iyada oo shacabka ay ka caroodeen adeeg la’aan, xaalad nolol xumo iyo qiimo dhaca lacagta waddanka.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay Al Jazeera in ciidamadda ay daad gureeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada, oo uu ku jiro raiisul wasaare Maeen Abdulmalik Saeed, lana geeyay dhisme milatari oo ku yaal agagaarka qasriga.

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa u sheegay Al Jazeera in dibadbaxayaashu aysan wax iska caabin ah kala kulmin xoogagga daacadda u ah Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta ee ay taageerto Imaaraadka Carabta (STC).

Qaarkood waxay wateen calanka dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka STC. Waxyar kadib dhacdada, ilo dawladeed ayaa sheegay in taliyaha booliiska magaalada Cadan, General Mutaher al-Shuaibi, uu yimid goobta si uu ula hadlo mudaaharaadayaasha uguna qanciyo inay baxaan.

Jamal Elshayyal oo ka tirsan Al Jazeera ayaa sheegay in dibadbaxayaashu ay ka tirsan yihiin ciidamada amniga qaranka oo aan wax mushaar ah qaadan muddo sagaal bilood ah. "Qasriga, oo ay dowladdu la wareegtay maamulkiisa, waxaa ilaaliya ciidamada Sucuudiga ee ku sugan gudaha," ayuu yiri Elshayyal.

“Laakiin banaanka, waxaa ilaalinaya kuwa gooni u goosadka ah - STC - oo ay taageerto Isutaga Imaaraatka Carabta, taas oo aragti ahaan loola jeedo inay taageerto Sacuudi Carabiya laakiin dhab ahaantii waxay taageereysay gooni goosadyada ku baaqayay gooni isu taaga," ayuu sharaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo weeraraysa Iran iyo Mareykanka oo diblomaasiyiintiisa kala baxaya Bariga Dhexe

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn u kiciso xiisadda Bariga Dhexe, waxaana laga digay inay sababto dagaalkii 3aad ee adduunka.

  • Caalamka

    12-06-2025

  • 05:11AM

Mareykanka: Dowladda Soomaaliya waxay ka laabatay Go'aankii Baasaboorka Taiwan 

Dowladda Soomaaliya wali si rasmi ah uma xaqiijin hadalka diblomaasiga Mareykanka ee ka noqoshadda xayiraadda baasaboorka Taiwan.

  • Caalamka

    11-06-2025

  • 12:18PM