Yemen: Dad ku dhintay qarax ka dhacay xaflad aroos

Image

SANCA, Yemen – Shan haween ah ayaa lagu dilay gudaha dalka Yemen ee ay dagaalladu halakeeyeen kadib markii qarax uu ka dhacay hool ay ka socotay xaflad meher magaalada dekedda leh ee Hodeidah ee Badda Cas Maalinta koowaad ee Sannadka Cusub, sidda ay saraakiil amni u sheegeen wakaaladda wararka ee dalka Faransiiska kasoo baxda ee AFP.

Dowladda iyo xoogaga Xuutiyiinta ayaa midba midka kale ku eedeeyey qaraxan dhacay habeenimadii Jimcaha. Hoolka wuxuu ku dhow-yahay garoonka diyaaradaha ee Xudeydah oo ah magaalo gacanta ku hayaan Xuutiyiinta ee dowladda Iiraan ay taageerada siiso.

Dhacdadan ayaa timid laba maalmood un kadib markii ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen qaraxyo ruxay gegada diyaaradaha ee magaalada koonfurta ku taal ee Cadan iyadoo wasiiro ka tirsan xukuumada ay ka soo dageen diyaarad ka timid caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh.

"Laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka midna waa la la'yahay," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay ICRC.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarkii Arbacadii. Xuutiyiinta oo la safan Iiraan ayaa beeniyay inay iyagu ka dambeeyeen.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaaminayo ayaa markii dambe sheegay inay soo rideen diyaarad Drone ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay taasoo bartilmaameedsaneysay xarunta madaxtooyada.

Bishii la soo dhaafay, xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga waxay ku dhawaaqeen gole wasiiro oo cusub oo lagu soo dhisay heshiis awood qeybsi ah ka dib muddo sanad ka badan oo Sacuudiga dhex dhexaadin xoog leh uu ka dhex waday dowladda Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi iyo kooxaha gooni-u-gooska ah ee fadhigoodu yahay koonfurta (Golaha Ku Meel Gaarka ah ee Koonfurta ama STC), kuwaas oo Imaaraadka uu taageero.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM