Yemen: Gudoomiyihii magaalada Cadan oo la dilay

Image

Guddoomiyaha magaalada Cadan ee ku taal koonfurta dalka Yemen ayaa lagu dilay weerar qarax.

Kooxda la baxday dowladda Islaamiga ayaa sheegtay inay qaadeen weerarka, kaasi oo sidoo kale lagu dilay dhawr qof oo ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Jacfar Maxamed Sacad ayaa ahaa xubin muhiim ah ciidanka dowladda Yemen taabacsan ee sanadkan horraantiisi ka saaray magaalada Cadan jabhadda mucaaradka ee Xuutiyiinta.

Madaxweynaha Yemen Cabdurabbu Mansuur Haadi ayaa ku dhawaaqay bishii Jult in magaalada Cadan ay si ku meel gaar ah u sii ahaato caasimadda.

Jabhadda Xuutiyiinta oo fadhigoodu yahay waqooyiga Yemen ayaa qabsaday qaybo badan oo dalka ah, oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Sanca.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM