Yemen oo Golaha Ammaanka ka dalbatey faragelin militeri

Image

March 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa ka dalbadey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inuu oggolaado faragelin militeri oo wadamada derisku ku sameeyaan dalka Yemen.

Warqad uu Madaxweyne Hadi u qoray xubnaha Golaha Ammaanka oo nuqul kamid ah warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in dhamman dadaalladii nabadeed ee la doonayey in lagu qaboojiyo xiisadda dalka Yemen ka taagani ay fashilmeen, sidaas darteedna loo baahan yahay faragelin militeri oo ka timaada dhanka wadamada Khaliijka iyo dalalka kale ee caalamka.

Dhanka kale, waxaa jira dhaq dhaqaaq ciidan oo militeriga dalka Sucuudigu ka wadaan xadka u dhexeeya Yemen iyo Sucuudiga.

Haddii Golaha Ammaanku ogolaado dalabka dowladda Yemen, waxaa suurogal ah in ay dalka Yemen tagaan ciidamo isku-dhaf ah oo ka socda dalalka ku bahoobey Khaliijka Carabta.

Mileeshiyaadka Shiicada ah ee Xuuthiga oo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka helaan dalka Iran ayaa qabsadey magaalooyin muhiim ah oo Sanca iyo Ticiz kamid yihiin.

Madaxweynaha Yemen iyo mas'uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan ayaa xilligan ku sugan magaalada Cadan, halkaasoo xarun kumeel gaar ah dowladda u noqotey kadib markii mileeshiyaadka Xuuthigu la wareegeen magaalada Sanaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM