Yurub: Cayaaro xalay loo baajiyay amni dartii

Image
Image
Image

18 November, 2015(GO)-Waxaa xalay baaqday cayaaro saaxiibtinimo oo dhexmari lahaa waddo ka tirsan qaaradda Yurub, ka dib cabsi laga muujiyay halka ciyaaruhu ka dhici lahaayeen.

Kulamadan ayaa dhexmari lahaa waddamada Belguim oo marti galin lahayd Spain, Jarmalka oo la cayaari lahaa waddanka Holland.

Booliska Jarmalka ayaa xalay ku hareeraysna garoon kubadda cagta oo ku yaalla magalada Hannover oo ka dhici lahayd kulan dhexmari lahaa xulalka Qaranka waddamada Germany iyo Holland, waxaana ciidamada ku hubaysnaayeen qoryaha fudud ee sida daran dooriga u dhaca.

Dhinaca kale, kulan sidaasi oo kale dhexmari lahaa Spain iyo Belguim, ayaa cabsi ammaan dartii loo baajiyay.

Arrintan ayaa timi cabsi ammaan oo keentay weeraro afar maalin ka hor ka dhacay France, kuwaasi oo galaaftay noloshada dadk badan 130 ruux, waxaana labo qof oo dadkaasi ka mid ah lagu dilay garoonka kooxda kubadda cagta dalkaasi.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM