Ciidamada Puntland oo gaarey degaanada Al Shabaab ku dagtey ee xeebaha

Image

GAROWE, Somalia- Kadib markii qaybo ka tirsan dagaal yahanada Al-Shabaab kasoo dageen Maalmihii la soo dhaafey xeebaha tuulooyinka Garacad iyo Garmaal ayaa wararka GO helayo tibaaxayaan in degaanadaas ku wajahanyihiin ciidamo xoogan oo ka tirsan maamulka Puntland.

Kooxda Al Shabaab ee ka dagtey degaandaas ayaa wararka sheegayaan in tuulooyinka Garmaal iyo Garacad ka tageen iyagoo wararka sheegayaan iney ku wajahan yihiin dhulka baadiyaha balse aan la aqoon halka ay ku aadan yihiin. 

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al- Shabaab u qaybsan yihiin labo madax, madaxa kasoo baxey Garacad waxaa uu ku wajahan yahay degaanka Godob jiraan halka qaybta kale ka baxeen degaanka Garmaal u ambabaxeen halka la yiraahdo Suuj ee ku aadan Degaanka Bayla.

Ciidamada Puntland ayaa warrarku xusayaan in ku baxeen labadaas madax ee kooxda Al-Shabaab ku wajahan tahay iyadoo xogtu sheegeyso in lambada ciidan isku dhow yihiin.

Xogogaal ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa GO u sheegey in kooxda Al Shabaab ee ka soo dagtey xeebaha Garacad iyo Garmaal ku wajahan yihiin degaano ka tirsan gobolka Barri halkaasoo wayadii dambe ku dhuumaaleysanyeen kooxo kala tageersan ururka Al Shabaab iyo Daacish.

Dadka ku nool degaanada kooxdaan kasoo dagtey ayaa sheegaya in kooxdaan ka tirsan ururka Al Shabaab tiro ahaan ka kooban yihiin Ilaaliye 500 Askari halka wararka sheegayaan in ka muuqdo daal badan iyo jahawareer kaga yimid aqoon la'aan dhulka Puntland oo ah mid aad u balaaran.

Dhinaca kale Ra'isal wasaare ku xigeenka Dowlada Federaalka Somalia oo wareysi siiyey laan Af Somaliga BBC ayaa beeniyey eedeynta Puntland ee ku aadan weerarka Al Shabaab isagoo xusey in ka xun yihiin duulaanka kooxdaan.

Puntland ayaa ku eedeysay Dowlada Federaalka Somalia iney ka dambeysay weerarada Al Shabaab ku soo qaadeen degaan xeebeedkeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM