​GALGADUUD: Al Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Budbud

Image

CEELBUUR, Somalia- Maleeshiyada Kooxda Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, kadib Dagaal Culus oo ay la galeen ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo AMISOM.

Wararka aan ka helayno Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in la wareegista Budbud ay ka danbaysay markii ciidamada Ethiopia, ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia dib uga gurteen halkaasi.

Sarkaal katirsan Militariga Somalia ee gobolka Galgaduud, ayaa GO u sheegay in sababta uga soo baxeen Budbud tahay inay Al Shabaab ku baacsadaan Goobo kale oo kamid ah gobolka, dibna ugu soo laaban doonaan.

Deegaanka Budbud, oo qiyaastii 75KM uga beegan dhanka Bari Degmada Ceelbuur ayaa waxaa ka dhacay Xalay Dagaal iyo Duqeymo xoogan, oo sababay Khasaarooyin kala duwan  oo labada dhinac gaaray.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ee isaga soo baxay Saakay Deegaanka Budbud, ayaa waxay gaareen Tuulada Moqokori, oo hoostagta Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Arrintan ayaa caado noqotay, waxaana sidaan oo kale dhowr jeer oo hore uga dhacday gobolka Shabeellaha hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM