​Muqdishu: Xarunta AMISOM Somalia oo la weeraray

Image

MUQDISHU- Tiro hoobiyaal ah ayaa xalay waqtigu markuu ahaa 01:00AM xilliga Muqdishu, lagu weeraray saldhigga sida weyn loo ilaaliyo ee ay daganyihiin ciidamada AMISOM iyo qaar kamid ah safaaradaha waddamada reer Galbeedka.

Goobtan la weeraray ee Xalane oo ku teedsan gegida diyaaradaha magalada caasumadda Somalia, ayaa lagu dhuftay qiyaastii ilaa 7 madfac, balse ma jirto khasaaro ilaa hadda lasoo weerarkaasi sababay.

Duqayntan, waxaa sheegtay xarakada Shabaab, waxayna barahoota taageera ku sheegeen inay u fulay qorshahoodii, waloow aysan sheegin khasaaraha ay gaysteen.

Balse, saraakiisha dowladda ayaa tilmaamay in falkaas oo mid fulaynimo ah ku tilmaameen uusan gaysan haba yaraateen waxa khasaare ah iyagoo sheegay inay ku dhaceen hareeraha xarunta balse aysan abaarin goobaha muhiimka ah.

Madaafiicdan ayaa lagu soo beegay xilli magalada Muqdishu shalay gaareen tiro katirsan ciidamada dalka Ingiriiska.

Maaha markii ugu horaysay ee kooxdan weerarto xarunta Xale oo ah goob amnigeed si aad ah loo sugo iyagoo ay daganyihiin dhammaan mas'uuliyiinta Afrikan iyo Cadaanka isugu jira ee ka howl gala caasumadda Somalia, waana xarunta khaaska ah ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM