Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Image

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si kulul u cambaareeyay falal uu ku tilmaamay xadgudubyo, cabsi-gelin, iyo qafaal lagu hayo shacabka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo uu sheegay in ay dowladda Federaalka ku waddo si qasab ah loogu diiwaangeliyo doorashooyin uu ku tilmaamay "macmal ah" oo uu sheegay in uu ku riyoonayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kheyre ayaa sheegay in tallaabooyinka laga fulinayo goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda ay yihiin "iskuday gurracan" oo baal marsan xuquuqda muwaadiniinta, nidaamka dowladnimo, dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah uga digay in ciidamada amniga loo adeegsado cabsi gelin iyo qafaal shacabka ah, arrintaas oo uu ku sifeeyay "ayaandarro qaran".

"Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa inuu si degdeg ah uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda," ayuu yiri Kheyre. "Waa in uu joojiyaa doorashada aan heshiiska lagu ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis gelin karta midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka."

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado, iyadoo mucaaradku ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh in uu ku tallaabsanayo tallaabooyin halis ku ah kalsoonida shacabka iyo dowladnimada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM