Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Image

Muqdisho — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif, ayaa si xooggan uga jawaabay eedeymo dowladda u jeedisay mucaaradka oo ahaa inay taageeraan Al-Shabaab, isagoo si cad u diiday eedeymahaas oo ku sifeeyay kuwa aan micno lahayn.

Shariif ayaa khudbad ka jeediyay shirweyne maanta oo Arbaco ah ka dhacay Muqdisho, isagoo sheegay in eedeymaha dowladda ay yihiin isku day lagu doonayo in lagu caburiyo mucaaradka iyo in lagu baabi’iyo codka shacabka, isagoo ku tilmaamay inay carqaladeynayaan wadahadalka iyo nabadeynta dalka.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in musuqmaasuq ka jiro hay’adaha ammaanka, gaar ahaan ciidamada, taasoo dhaawacday awoodda ciidamada inay si dhab ah ula dagaalamaan, kana adkaadaan Al-Shabaab. Waxa uu ku adkeeyay in haddii aan wax laga qaban musuqmaasuqa, horumarka iyo ammaanka dalka ay halis galayaan.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in la abuuro jawi wadahadal oo furan oo ay ku kulmaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka, si loo helo xal waara oo lagu soo afjaro xiisadaha siyaasadeed iyo dagaalka hubeysan ee dalka ka socda.

“Wadahadalka waa furaha kaliya ee dalka lagu badbaadin karo. Waxaan ku baaqayaa in dhammaan dhinacyada ay garowsadaan muhiimadda wadahadalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabad iyo midnimo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sheekh Shariif ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin hogaamin hufan oo daacad ah, isla markaana ka shaqeysa sidii loo xaqiijin lahaa horumar, cadaalad, iyo xasilooni siyaasadeed.

Shirka maanta ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyadoo laga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa isbahaysi mideeya codka mucaaradka ay ku diidan yihiin doorashadda aan loo dhamayn ee Xasan Sheekh rabo inuu ka qabto dalka.

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gelay Fowdo, Xildhibaano Lagu Caburinayo Hoolka

Dhacdooyinkan ayaa si weyn u kiciyay walaac ku saabsan badqabka wakiillada la doortay, madaxbannaanida Golaha Sharci-dejinta.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 08:57AM