​14 qof oo la hor geeyay Maxkmadda Darajada 1aad ee gobolka Nugal

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal la hor geeyay 14 qof oo muddo hadda laga joogo 2 bilood lagu qabtay duleedka magaalada Garowe ee caasumadda Puntland.

Dadka oo isugu jira 2 Darawal, 2 Haween ah iyo 10 rag ah ayaa lagusoo eedeeyay inay ahaayeen Tahriibayaal si sharci darro ah ku doonayay inay uga dhoofaan xeebaha Puntland.

Dadkan oo markii hore looga shakhiyay inay katirsanyihiin kooxda Al Shabaab, ayaa maanta dacwadooda loo fariistay, waxaana soo eedeeyay Xeer ilaaliyaha gobolka Nugal Cabdi Jaamac Dheeraad.

Waxaa goob joog ka ahaa, Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamud Xasan aw- Cusmaan, garsoorayaal iyo dadweyne dhagaysanayay kiiskan.

Eedayn kadib maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Nugal ayaa go'aan ka gaartay dacwadda eedaysanayaashaas, waxaana xorriyadooda la siiyay 12 qof oo lagu helay inay ahaayeen tahriibayaal.

Garsoore Cabdiqani Mire ayaa sheegay in xeerka Tahriibku uusan qorayn in dadkaan xabsi lagu xukumo, balse lagu celin doono deegaanadii ay ka yimaadeen, waxaana dadka lasii dayay ku jira labo dumar ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay Darawaliinta waday Tahriibayaashaas oo lagu ganaaxay min $200, halka baabuurtooda la dul dhigay min $400.

Kiiskan ayaa imaanaya xilli muddo dadkaas lagu hayay xabsi ku yaalla magaalada Garowe, waxaana markii hore gacanta ku dhigay ciidamada Booliiska oo sheegay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab islamarkaana doonayeen inay u tallaaban buuraha. Booliiska oo waqtigaas la hadlayay warbaahinta Gudaha ayaa sidoo kale mid kamid ah raggaas sheegay inuu yahay ajnabi, balse mar dambe la ogaaday inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Koonfurta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM