18 ku dhimatay Qaraxyada magaalada Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Xaaladda magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa maanta kacsan kadib qaraxyo xooggan oo galinkii hore ka dhacay nawaaxiga dowaldda hoose iyo suuqa xero dayax.

Inta la hubo waxaa ku naf waayay weeraradaasi 18, halka dhaawaco ku dhow  yahay 40 qof.

Dadka dhintay waxaa ku jiray Askar iyo carruur kasoo baxay Iskuul ka agdhawaa goobta la weeraray.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadaasi.

Majirto ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Puntland.

Gurmadyo xooggan ayaa kasocda magaalada kuwaasoo lagu samata bixinayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaasi iyadoo cusbital Guud ee Galkacyo la geeyay dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Sawirro laga soo qaaday goobihii weerarku ka dhacaya ayaa muujinaysa bur-bur laxaadleh.

Waa qaraxii ugu xogganaa oo ka dhaca magaalada Galkacyo, waxaana lagusoo beegay muddo kadib markii Puntland khasaaro xoog leh gaarsiisay mallayshiyaad soo duulay oo ka dagaallamay gobollada Mudug iyo Nugal, waxaana door weyn kulahaa haweenka Galkacyo oo muujiyay cudud ay ku taageereen ciidamada difaaca Puntland, waxaana xusid mudan waxyeellada ugu badan inay soo gaartey haween.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM