​2 qof oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday deegaanka Xaabo [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Xaalad adag ayaa ka taagan deegaanka Xaabo oo qiyaastii 80KM dhinaca xeebta ka jira degmada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana hadda la xaqiijiyay geerida labo ruux iyadoo in kabadan 40 kale daweyn loo sameeyay.

Waxaa iminka jiifa ilaa 10 ruux oo xaaladoodu liidato siday noo xaqiijiyeen mas'uuliyiinta tuuladaasi.

Wararka ku xeeran xaaladda deegaankaasi ayaa sheegaya inuu ka dillaacay cudurka loo yaqaano Shuban-biyoodka kaasi oo badi dadkii ku dhaqnaa deegaanka Xaabo cudurkaasi saameeyay.

Guddoomiyaha deegaanka Aadan Siciid Maxamed Xayle ayaa Radio Garowe u sheegay in xaalad adag ay jirto goobtaasi isagoo xaqiijiyay inaysan jirin ilaa hadda cid usoo gurmatay.

Xayle ayaa xusay in cudurkan uu ka dhashay ceelal aan dabool lahayn oo si furan uga cabbaan dadka iyo duunyada isagoo intaasi ku daray inay soo raacdo nafaad darro baahansan sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu baaq xooggan u diray wasaaradda caafimaadka Puntland iyo hay'adaha u xil-saaran isagoo sheegay inay doonayaan gurmad dag dag ah oo laga fidiyo cudurkan uu xusay inuu marba marka ka dambayso sii fidayo.

Deegaanka Xaabo ayaa ka kooban labo xaafadood oo u dhaxeeyo Jaan yar oo dhinaca badda kasoo gala, waxayna muddo la daalaa dhacayeen dhibaatada uu ku hayo gacankaasi maadama mid kamid ah xaafadaha tuuladaasi laga helo adeegyada muhiimka ah, balse dhawaan markii la baahiyay muqaal ka hadlaya dhibka haysta dadka haysta waxaa loo dhisay buundo iyadoo dhaqaalo ay iskusoo dareen bulshada somaaliyeed.

Majirto ilaa hadda tallaabo ay ka qaaday baahiyahaas xukuumadda madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali.

GARAWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM