​97 qof oo xabsiyada Puntland laga sii daayay

Image

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Maxamed Cali Gaas, ayaa cafis loogu fidiyay 97 qof oo ku xirnaa xabsiyada waaweyn ee Puntland sida uu sheegay taliyaha ciidamada Asluubta Cali Nuur Cumar.

Dadkan oo maanta xoriyadoodii dib u helay ayaa ku eedaysnaa dambiyo fudud, waxaana la cafiyay xilli ay soo dhawdahay ciidda bisha Ramadan.

"Waxaa maanta la sii daayay maxaabiis madaxweynuhu fasaxay... Xabiga Garowe waxaa laga sii dayay 24 qof, Bosaso 31, Galkacyo 13 iyo Qardho 29 macbuus,"Ayuu yiri taliyaha ciidamada Asluubta Puntland General Cali Nuur Cumar.

Cali Nuur ayaa mustaqbal wanaagsan u rajeeyay dadka maanta xorriyadooda helay isagoo sheegay inay loo cafiyay bisha Ramadan owgeed.

Maaha markii ugu horaysay cafis loo fidiyo maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland, waxaana inta badan la cafiyaa xilliyada lagu jiro ciidaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM