​Agaasimaha waaxda Socdaalka Puntland oo hadlay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Agaasimaha waaxda Socdaalka Puntland Haashim Axmed Cabbaas ayaa ka hadlay isbadal ay ku sameeyeen habkii shaqada kadib markii cabasho xooggan dhawaan warbaahinta mariyeen qaar kamid ah dadka qaata dal ku galka waddamada dariska ah.

Agaasimaha oo waraysi gaar ah siinayay Radio Garowe, ayaa sheegay inay badaleen habkii hore ee loo shaqayn jiray maadaama uu la badalay maamulkii hore isagoo xusay inay iminka u fududeeyaan bulshada oo aysan jirin cid ka marta dhibaato adag sida uu hadalka u dhigay.

Cabbaas ayaa tilmaamay in qofkii soo buuxiya shuruudaha looga baahnaa si fudud loogu dhammeeyo howlahiisa isagoo sheegay in maanta aysan jirin qof waqti badan suga fiisaha.

Safaraadda Ethiopia ee fadhigeedu yahay magaalada Garowe, ayuu sheegay inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo isagoo xusay inay iska kaashadaan u fududaynta shacabka ee arrimaha socdaalka, wuxuuna ku ammaanay sideey ugu kalsoonaadeen inay ka shaqeeyaa deegaanada Puntland.

Hadalka laanta socdaalka Puntland, ayaa kusoo aaday bilo kadib markii warbaahita gudaha baahisay cabashooyin ka yimi shacab ku dhibaatooday qaadashada dalka ku galka Ethiopia kuwaasoo ay sheegeen inay ka hortaaganyihiin arrimo badan oo musuq-maasuq kow ka ahaa.

Arrintaas ayaa keentay in isbadal lagu sameeyo laanta socdaalka Puntland iyadoo la badalay qaabkii hore ee shaqada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM