Ajandayaasha Kalfadhiga Barlamanka Puntland oo la shaaciyay

Image

GAROOWE, Puntland- Xilli maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay uu si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe, Kalfadhiga 41aad ahna kan ugu dambeeyay ee golahan ayaa maanta la shaaciyay ajandayaasha ay ka doodi doonaan.

Qodobo ka kooban 12 ayaa Xildhibaanadu sheegeen inay kaga doodi doonaan kalfadhigooda.

Ajandayaasha la shaaciyay waxaa ku jira labo qodob oo xasaasi ah, kuwaasoo iminka ka taagan deegaanada Puntland.

Qulqulka Tahriibka ayaa kasoo dhexmuuqday dooda Xildhibaanada xilli maanta bololaal muhaajiriin Ethiopian ah lagu arkay gobolka Bari.

Difaaca iyo amniga ayaa sidoo kale kasoo dhex muuqday ajandayaasha laga doodi doono.

1-Furitaanka Kalfadhiga 41-aad
2-Ansixinta Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 41-aad
3- Warbixinta Guddiga Joogtada ah
4-Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada Puntland
5- Amniga, Difaaca Puntland iyo xog wareysiga Madaxweynaha Puntland
6-Xaalada qulqulka Tahriibayaasha (Dhaqangelinta xeerka Tahriibta)
7- Habka shaqaaleynta shaqaalaha rayidka ah
8-Habraaca loo maro iibinta hantida ma guurtida ah.
9- Mashruuca wadada Garoowe iyo Gaalkacayo
10-Ansixinta Xeerarkii Guddiga joogtada ah si ku meel gaar ah u sii ansixiyey.
11- Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017-ka
12-Anxisinta wixii Xeerar iyo Heshiisyo ah ee xukuumadu soo gudbiso.

Fadhigan ayaa ka duwan kuwii hore ee Xildhibaanada, waxaana laga doodi doona arrimaha taagan iyo wixii kale ee soo kordha maadama uu yahay kii ugu dambeeyay ee Xildhibaanadan isugu yimaadaan sida Sharciga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM