Al Shabaab oo sheegatay weerarkii Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar saaka ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasoo waxyeello kasoo gaartay ciidamo katirsan dowladda.

Mallayshiyadan oo la hadlaysay Idaacad afkooda ku hadasha ayaa tilmaamay inay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac u gaysteen ciidamo katirsan Puntland.

Balse wararka laga helayo saraakiisha caafimaadka iyo laamaha amniga ayaa xaqiijinaya in weerarkaas ay wax ku noqdeen 11 qof oo isugu jira ciidamo iyo Shacab, waxaana lagu dabiibayaa xaaladooda cusbitalka guud ee Boosaaso.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay in lala eegtay ciidamo katirsan Madaxtooyada Puntland xilli ay marayeen xaafadda Masjid Raxma ee nawaaxiga Dekedda Boosaaso. Ilaa hadda lama xaqiijin karo nooca qaraxu ahaa.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland, waxaana arrintan ay timid xilli maalintii Afraad ay xirantahay dekedda Boosaaso. Waxaa sidoo kale hakad ku jira isu socodka Ganacsiga, waxaana albaabada loo laabay goobo badan oo kamid ah xarumaha laga dukaamaysto iyagoo ganacsatadu ay ka wal-walsanyihiin in dhibaato kasoo gaartay dadka mudaharaadaya.

Dawlada ayaa Boosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay uga dhacay xarunta gobolka Bari.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa aad u cakiran, waxaana buuqan uu bilodway tan iyo markii dekedda lagu wareejiyay shirkadda P&O port.

Buuqan ayaa dowladdu ku eedaysay inay dabada ka wadaan dad doonaya dano gaar ah, waxayna beeniyeen in lacago dheeraad ah lagusoo rogay dekedda.

Shax dhawaan la Wasaaradda Dekedaha ay baahisay ayaa lagu sheegay in dekedda Boosaaso tahay mida ugu jaban qiimo ahaan Dekedaha ku yaala Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM