Amarro la duldhigay Gaadiidka isaga kala goosha Garoowe iyo Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland - Guddiga Difaaca Puntland ayaa amarro culus duldhigay gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinka Garoowe iyo Laas-caanood, xilli uu socda diyaargarow dagaal.

Meelaha sida gaarka ah u saameynayo amarka ayaa ah Aaga Tukaraq, halkaasoo ciidamo ka kala tirsan labadda maamul ee Puntland iyo Somaliland isku hor-fadhiyaan, islamarkaana saacad kasta laga cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo.

Dadka shacabka ah ayaa lagu amray in aysan tagi karin deegaanka Tukaraq iyo meelaha kale ee u dhow sida Buura-wadal, Hadh-wanaag, Faleyryaale, iyo God-qaboobe.

“Shacabka iyo Gaadiidka, gaar ahaan kuwa Shidaalka qaada waxaa la farayaa in aysan tagi karin Aaga Tukaraq. Ciidamadana waa inay baaraan baabuurta ka imaaneysa Laas-caanood iyo Garoowe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Shacabku ma dhex-tegi karaan goobaha colaada ka taagan tahay. Ciidamadana waa inay amarkaan si deg deg ah u dhaqan-geliyaan,” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay Guddiga Difaaca Puntland.

Dhanka kale, Wararka aan ka helayno Tukaraq ayaa sheegaya in ay ka jirto baqdin ku aadan inuu qarxi karo dagaal waqti kasta, maadaama ciidamada labada dhinac ay is-horfadhyaan islamarkaana ay jirto saan-saan colaadeed.

Go'aankan ayaa yimid maalmo kadib markii Xukuumadda Puntland ay ku dhawaaqday inay ku jirto diyaargarow dagaal, kaasi oo lagu sheegay in lagu xureynayo deegaanada ay Somaliland kala wareegtay. [Halkan ka akhri warka].

HOOS KA AKHRI WARQADDA GUDIGA DIFAACA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM