​Arday ka Qalin-jabiyay Jaamacadda EAU [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ku dhawaad 200 Arday oo ka qalinjabiyay Jaamacadda Bariga Africa faraca Garowe ayaa maanta xaflad qalin jabin ah ku dhigtay magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiirro, isimo waxgaradka, waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasabadaas oo lagu qabtay hoolka Jaamacadda Bariga Africa, waxaana dadka qalin jabinayay kamid ahaa xubno katirsan dowladda.

Xubno u halayay bulshada rayidka ah, maamulka EAU iyo walidiin ayaa dhambaal hambalyo ah u diraan ardayda iyagoo ugu baaqay inay sii wadaan waxbarashadooda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Abshir aw Yusuf Ciise ayaa sheegay inuu wasaaraddu dadaal ku bixin doonto sidii loo gacan qaban lahaa Ardaydan, isagoo dhinaca kale ugu baaqay inay ka faa'iidaystaan cilmiga la baray.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, oo xafladda soo xiray ayaa tilmaamay in dowladda aysan shaqo u raadin karin dhammaan Ardayda ka baxda Jaamacada iyo goobaha waxbarashada, balse loo baahanyahay in yaraynta xadiga shaqo la'aanta Ardaydu ka qayb qaataan oo ay la yimaado xirfado iyo shaqo abuur, dowladuna gacan qaban doonto.

Sannadkasta xilliyadan oo kale, waxaa Jaamacadda Bariga Africa ka baxa boqolaal Arday, kuwaasoo ka qalin jabiya ku dhawaad 10 Kuliyadood oo jaamacadu bixiso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM