Arday raadinaysa Nabadda magaalada Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Ardayda wax ka barata Iskoolada ku yaalla magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinacyada ay maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa maanta dhigay bannaan bax nabadeed iyagoo sita Calanka Cad ee Nabadda.

Dhalinyaradan oo sidoo kale Xirnaa Dharka Iskuulka ayaa socod ku marayay qaybaha magaalada iyadoo Laba dhinac Ardaydoodu isgu yimaadeen Bartamaha xarunta Gobolka Mudug.

Bannanbaxooda ayay gundhiga uga dhigeen "Aan jabino Isbaarada Qalbiga".

Qaar kamid ah dhalinyarada oo ay ka muuqato qiiro iyo inay ka xunyihiin falalka amni darro ee muddooyinkii dambe ka dhacayay gobolka ayaa codsaday in Xasiloonida laga shaqeeyo.

Waxay tilmaameen inay nabadda ku wadaan gacanta Midig dadka xasuusinayaa in dagaal uusan faa'iido lahayn.

Sawirka Madaxweynaha Somalia ayay sureen goobo kamid ah magaalada Galkacyo waxaana dhexmarayay Ardayda labada Dhinac is-barxabayn ay walaalnimo ku dheehantahay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka labada dhinac oo ku aadan sida ay u arkaan dhalinyarada ka shaqaynaysa Nabada Mudug.

Arrintan ayaa timid xilli maalmihii dambe duleedka Galkacyo kadhacayeen dagaalo salka ku haya aanooyin Qabiil.

Baraha Bulshada ayaa aad loogu faaqiday arrintan oo loo arko inay keeni karto xasilooni.

GAROWEONLE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM