Beesha Tanade: Nidamka Dowliga ah ee Puntland wuxu u afduuban yahay Majerteen [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland- Magalaada Garowe oo muddo Sadex bilood  kulamo  beesha Tanade qaar ka tirsan Issimadooda iyo ergooyin kale ugu qabteen Issimo ka tirsan Puntland kaasoo ay ku codsanayeen in loo kordhiyo tirada Xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa waxaa uu ku soo dhamaadey guuldaro kadib markii mudanayasha aqalka Barlamanka diideen.

Fashilka ku yimid barnaamijkaan ayaa ergooyinkii iyo qaar ka tirsan issimada beesha Tanade waxay galabta soo saareen warmurtiyeed ay kaga hadlayaan arinkaan iyagoo eed Dusha uga tuurey qaar ka tirsan beelaha walaalaha ee wada daga degaanada Puntland.

Warmurtiyeedkaan ayaa waxa lagu sheegey in masiirka siyasadeed ee Puntland iyo nidamakeeda dowliga ah u afduuban yahay siyaasiyiinta beesha Majeerteen waa sida ay hadalka u dhigeen iyaga oo sheegey in beelaha kale ee daga deegaanada maamul goboleedkaan dulman yihiin.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegey in beesha kulan balaaran isugu imaaneyso bisha September 18 magalaada Galkacayo kaasoo ay kaga tashan doonaan masiirkooda siyaasadeed.

Bilowga dalabka kordhinta xildhibaanada Puntland oo beeshu markii hore kasoo heshey ogolaansho Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhamaadey fashil kadib markii 59 xildhibaan ee ka tirsan Barlamanka Puntland diideen kuwaasoo sheegey inuu ka horimaanayo Dastuurka Puntland qodobkiisa 60aad.

Madaxweynaha Puntland iyo qaar kale oo ka tirsan Issimada ayaa mar kale beesha Tanade ka aqbaley in shirweyne loogu qabto magalaada Garowe kasoo ku soo dhamaadey in qoraal u qoraan Barlamanka kaga codsanayaan in beesha Tanade golaha loogu daro 4 xubnood.

Madaxweynaha Puntland oo kulamo la yeshey ergooyinka beesha Tanade ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay ka ogolaadey in golaha wasiirada cusub horgeeyo qorshaha kordhinta xildhibaanada kadib loo gudbiyo Barlamanka Puntland balse qorshahaas ayaa fashilmey isagana kadib markii Barlamanka Puntland xirey kalfadhigii 39aad iyagoo diidey codsi uga yimid Mudane Gaas oo ahaa in sii furaado maalmo kale.

Ugu dambeyn qoraalkii kasoo baxay ergooyinka beeaha Tanade ayey ugu mahadceliyeen xildhibaanada beelaha Dhulbahante, Warsangeli iyo Dishiishle kuwasoo ku sheegeen warmurtiyeedkaan iney ogolaayeen in cod siiyaan hadii loo kordhinayo beesha.

HALKAAN KA DAAWO WARMURTIYEEDKA BEESHA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM