Booqashada Cumar Cabdirashid ee Garowe, Galkacayo oo dagan

Image

GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe   ayaa waxaa galabta soo gaaraya Ra'ilsa wasaraihii hore ee Somalia Cumar Candirashid  iyo wafti uu hogaaminayo iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu u socdo sidii Waan-Waan loo dhexdhigi lahaa dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug.

Railsa wasarihii hore oo booqasho ku soo marey magaalada Cadaado ayaa laga filayaa in magaalo madaxda Puntland kula kulmi doono Madaxweyne Gaas iyo xubnaha kale ee xukuumadiisa.

Booqashada Cumar Candirashid ayaa imaaneysa maalmo kadib markii dowlada Puntland sheegtey in ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ka dhinac dirirayaan maamulka Galmudug kuwasoo qayb ka ah dagaalka ka socda magaalada Galkacayo.

Madaxdii hore ee dowlada Federaalka gaar ahaan mundane Cumar Candirashid ayaa horey qayb uga ahaa hehsiis magalada Galkacayo ku kala saxiixdeen labada Madaxweyne  ee mamaulada Puntland. Iyo Galmudug kuwasoo qodabadii ku qoraa aan dib looga wadahadlin.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa qayb ka ahaa shirarkii loogu magacdarey madasha kuwasoo ay shukaanta u hayeen madaxda  dowlada Federaalka ee xilku ka dhamaadey.

Dhinaca kale magaalada Galkacayo ayaa xaaladeeda dagan tahay maanta kadib markii maalintii shaley dagaal la isu adeegsadey qoryo culculus uu ka dhacey .

Dagaalkaan ayaa khasaarha ka dhacey labada maamul weli ka hadlin balse warar ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah jirto islamarkana uu sababey bur-bur ku yimid dhismyaal.

Maamulka magaalada Galkacayo iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland ayaa weli wada dhismaha Siilad la sheegey in lagu kala iibsanayo xoolaha Puntland uga yimaada gobolada Koonfureed iyo qaybo ka tirsan gobolka Mudug.

Dagaalka magaalada Galkacayo ayaa bilowdey kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Galmudug diideen dhismaha Siilad lagu kala iibsado xoolaha tasoo laga hirgalinayey xaafada Garsoor. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM