Mudaharaad lagu diidan yahay lacagta Faalsada ah oo ka dhacey Buhoodle

Image

BUHOODLE- Magalaada Buuhoodle gobolka Cayn ayaa caro ka dhalatay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah waxay sababtay in dhallinyaro u badan muruq maal ay gebi ahaan xidhaan goobaha ganacsiga iyo wadooyinka.

Ganacsatada ayaa hore kala sooc ugu sameeyey lacagta iyadoo lacagta la qaadanayaa tahay shilinka cusub ee Puntland samaysay taasoo saamayn ku yeelatay bulshadda danyarta.

Maamulka Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku filaan waayey in misaaniyada Puntland ka bixiso mushaharka iyo adeegyada kale waxay ganacsto shuraako kula noqdeen makiinad kuwa lacagta lagu daabaco taasoo dhextaal xarunta Bangiga magalaada Bossaso.

Degmada Buhoodle ayaa aasbuucii lasoo dhaafey waxaa ka dhacey dagaal u dhexeeya labo Beelood oo walaalo ah kuwasoo sababey dhimasho iyo dhaawac.

Degaankaan ayaa waxa ku sugan siyaasiyiin kala tagersan Puntland, Somaliland iyo Khaatumo taasoo saameyn ku yeelatey hurumarka gobolka iyo in wax laga qabto arimaha bulshada.

GAROWEONLINE + Khadar Cawl

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM