Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Image

Ceelbuh, Luulyo 7, 2025 – Cabdirashid Yusuf Jibriil, oo horay u ahaa afhayeenka Baarlamaanka Puntland, ayaa habeenkii xalay si rasmi ah uga baxay deegaanka Ceelbuh, kadib markii ciidamada Puntland ay ku amreen isaga iyo Maleeshiyada uu wato iney meesha ka baxaan.

Warar hoose oo Garowe Online helay ayaa sheegaya in Cabdirashid Yusuf Jibriil, kadib wada hadallo dhexmaray isaga iyo saraakiisha ciidamada Puntland, loo ogolaaday in uu helo waddo nabadgelyo ah oo uu ku baxsado, taas oo la rumeysan yahay inuu uga soo afray dhinaca magaalada Laascaanood.

Arrintani ayaa imaanaysa iyadoo xaaladda Ceelbuh ay ahayd mid kor u kacday maalmihii dambe, kadib dagaallo iyo xiisado muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya ciidanka Puntland iyo maleeshiyaad la sheegay in ay abaabulaan Siyaasiyiin xiriir la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho ku tagaan magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool oo ku yaalla Hayland iyo Sanaag, oo ay rabaan inay ka sameeyaan falal lidi ku ah amniga iyo xasiloonida gobolladaas.

Ciidamada ayaa sida la sheegay haatan ku sugan xaalad feejignaan sare, waxaana la sheegay in ay diyaariyeen qorshayaal difaac oo ka hortagaya in qof ama koox aan la ogoleyn ay gudaha u galaan deegaanada Puntland ee Hayland iyo Sanaag.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo amni ee gobolka, isla markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo jebisa amniga iyo xasiloonida.

Weli ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Cabdirashid Yusuf Jibriil ama dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan xaaladda iyo socdaalka xildhibaankaasi. Qorshaha madaxda haatan joogta Villa Somalia ayaa la sheegay inuu yahay in lakala qeybiyo Puntland oo gobolka Sanaag loo sameeyo Maamul gaar ah xili khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweyne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM