​Camay "Gaabis ayaa ka muuqda mashruuca JPLG" [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe caasumadda Puntland ka furmay shir ku saabsan mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Shirkan oo muddo labo maalin ah kasoconaya magaalada Garowe ayaa dib u eegis loogu samayn doonaa Mashruucaas oo ay ka faa'iidaystaan qaar kamid ah degmooyinka Puntland, waxaana diiradda la saarayaa diiradda la saarayaa qorshaha maamul daadajinta.

Daahfurka kulankan oo ka qabsoomay xarunta hay'adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, waxaa kasoo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, xubno kasocda wasaaradda Arrimaha gudaha iyo  hay'adaha taageera barnaamijkan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa madasha ka sheegay inay muhiimadda siinayaan qorshayaasha lagu baahinayo maamulka, wuxuuna ka codsaday Guddoomiyaasha degmooyinka inay la yimaadaan nidaam bulshada u saamaxaya inay helaan adeegyada asaasiga ah.

Xubno katirsan hay'adaha beesha caalamka ee taageera mashruucan ayaa soo dhaweeyay sida Puntland uga faa'iidaysatay iyagoo tilmaamay inay muhiimadda siinayaan siyaasadaha saamaxaya in bulshadu hesho adeegyada daruuriga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa qeexay inuu jiro gaabis ku aadan waxyaabihii lagu ballamay in la fuliyo iyadoo laga faa'iidaysanayo mashruucan isagoo tilmaamay inay kulankooda diiradda ku saari doonaan in la isweydiiyo wixii qabsoomay iyo kuwa aan qabsoomin.

Camay ayaa xusay in JPLG-gu ahaa muraayadda dowladda kaasoo muujinayay hormarka la gaaray, wuxuuna intaasi ku daray in bulshadu ku qanacsantahay qaabka uu u socdo.

Dhawr jeer oo hore  shirar ku saabsan Barnaamijkan ayaa waxaa isugu yimi mas'uuliyiinta dowladda oo weheliyaan kuwa u xilsaaran hogaaminta degmooyinka waxayna kulamo la qaateen deeq-bixiyaasha iyagoo kala hadleen in mashruucan sii socdo maadaama uu ku egyahay sannadka soo socda ee 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM