​Camay oo difaacay tallaabada lagu baarayo gaadiidka [Dhagayso]

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegay in amnigu is-badal ku yimid islamarkaana si wanaagsan u socdo tallaabada lagu adkaynayo xasiloonida.

Camay, ayaa sheegay in dowladdu si dhow ula socoto tallaabada lagu hubinayo gaadiidka soo gala Puntland, isagoo meesha ka saaray inay jiraan tacadiyo loo gaysto.

Wuxuu difaacay tallaabadaas oo la sheegay in amniga lagu adkaynayo, isagoo cid kasta oo walaac ka muujinaysa ugu baaqay inay yimaadaan magaalada Galkacyo islamarkaana idhahooda saaraan sida howsha socoto.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa ku adkaystay in dowladdu arrintan wadayso islamarkaana amnigu yahay muhiimadda koowaad, wuxuuna sheegay in magaalada Galkacyo kasocdo isbadal xooggan kaasoo la xiriira nabadgalyada.

Hadalkan ayaa yimid xilli madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ka walaacsanyahay tallaabada gaadiidka isaga kala goosha Puntland iyo gobollada Koonfureed lagu hakiyay, inkastoo uusan ilaa hadda ka hadlin.

Dhinaca kale Camay, ayaa sidoo kale xusay in dhismaha Isbitaalka Gaalkacyo howshiisu meel wanaagsan marayso, xilli uu ka hadlayay munaasabad looga warbixinayay qaabka gargaarka iyo dib u dhiska xaruntaasi caafimaad u socoto.

Wuxuu sheegay in xiriiro kala duwan ay la sameeyeen jaaliyadaha dibadda oo ay kamid tahay kuwa dagan Zambia oo lagu ammaanay inay hormuud u yihiin wax  qabashada iyo taakulaynta dadkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM