​Camay oo ka hadlay wareegtadii uu soo saaray [Dhagayso]

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo goor dhaweyd shir jaraa'id ku qabtay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadlay wareegto uu dhawan soo saaray taasoo faraysay gaadiidlayda inaysan usoo gudbi karin gudaha Puntland inta laga hubinayo waxyaabaha ay sidaan.

Camay ayaa sheegay in qorshahaasi uu ahaa mid amniga lagu sugayo, balse aan lagu dhibaataynay maamulka iyo cid gooni ah isagoo eedeeyay dadka qorshahaasi kasoo horjeestay kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin shakhsiyaadka gudaha Puntland kusoo daabula waxa uu ugu yeeray "Burcad-diimeed".

Ku-xigeenka madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in dowladdu la socoto waxyaabaha ay dantu ugu jirto bulshada isagoo intaasi ku daray inaysan cidna gor-gortan kala gali doonin amniga.

Wuxuu bulshada usoo jeediyay inay u hogaansamaan amarrada dowladda islamarkaana ka shaqeeyaan nabadgalyada.

Arrintaasi ayaa waxaa ka hor yimi gaadiidlayda iyo maamulka Galmudug kuwaasoo sheegay inay carqalad ku noqon doonto isu socdka bulshada.

Hadalka Camay ayaa yimi xilli siyaabo kala duwan loo arkay waraaqo uu soo saaray 24-kii bisha taasoo mamnuucaysay inay si toos ah usoo gudbaan gaadiidka sida Xamuulka iyo Qaadka ee ka yimaada Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM