Ciidamada amaanka Puntland oo qabsadey gadiid ku socdey gobolada dhexe

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ciidmada amaanka Puntland gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee ku sugan gobolka Nugaal ayaa qabsadey asbuucaan horaantisii gadiid 5 ah oo ku wajahnaa gobolada dhexe ee Somaliya.

Gadiidkaan oo ka koobnaa 4 baabuur nooca loo yaqaan Cabdi bille kuwasoo la saaro qoryaha dagaalka iyo Hal landcruiser aan  Xabadu karin ayaa dowlada Federaalka ee Somaliya ugu deeqdey ciidamo ku sugan degmada Ceelbuur.

Gadiidkaan oo saarnaa markab mucaawino raashin ah sidey kaasoo horaantii bishaan ku soo xirtey magaalda Bossaso ayaa imaanshahooda waxaa ka warqabey xukuumada Puntland madaxdooda ugu sareysa. 

Madaxweynaha Puntland ayaa amar ku bixiyey in Gadiidkaan Cashuur dhaaf loo sameeyo inta uusan u dhoofin dalka Ethiopia islamarkaana la geeyo magaalada Galkacayo halkaas qoloyinka loo wado kula wareegi doonaan. 

Qabsashada Gadiidkaan oo noqotey arin ay faraha la soo galaan odayaasha gobolka Nugaal ayaa weli lagu guuleysan in ciidankaan Gadiidkaan dib ugu celiyaan gacanta Dowlada. 

Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in ciidanka qabsadey Gadiidkaan ku buufsadeen ranjiga Tuutaha kuwasoo diidey iney dib u celiyaan gabi ahaanba. 

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in qabsashada gaadiidkaan ku lug leedahay cabasho ciidankaan ka muujinayaan mushahar la'aan, Gadiidka oo aan loo dayactirin iyo guud ahaan xukuumadoo dhagaha ka fureysatey daryeelka guud ee ciidamada. 

" Talaabada ciidamadaan qaadeen waxay albaabka u fureysaa fowdo ka bilaabata Puntland waana talaabo ku cusub degaankaan, waxaana xal deg deg ah laga rabaa xukuumada madaxweyne Gaas sidii loo xakameyn lahaa gadoodka ciidamadaan iyadoo laga hortagayo in amniga uu khalkhal galo". Sidaas waxaa GO u sheegey qof ka tirsan waxgaradka Puntland ee ku sugan magaalada Garowe.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa maalmo kadib markii ciidamada Kumandooska Puntland howlgalo amniga lagu sugayo ka qabteen magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Howlgalada ciidmadaan ku soo galeeen magaalda ayaa  waxaa hogaaminayey madaxda gobolka Nugaal iyo Degmada Garowe.

Dowlada madaxweyne Gaas ayaa tan iyo inta ay xilka qabatey sanadkii 2014 waxaa ciidmada Puntland ka cabanayeen mushahar la'aan soo foodsaarta taasoo sababtey in xoogaga amnigu sameeyaan gadood.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM