Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Image

Kalabayr, Puntland – Ciidamada difaaca Puntland ayaa xalay ku guuleystay in ay qabtaan laba xubnood oo ajnabi ah oo ka tirsanaa kooxda argagixisada Daacish, kuwaas oo isku dayayay in ay ka baxsadaan hawlgalkii ballaarnaa ee Almiskaad, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka.

Labada eedeysane ayaa lagu qabtay buuraha ku dhaw deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumanayeen kadib markii ciidamadu kala daadiyeen xarumihii kooxda Daacish ee gobolkaasi.

Saraakiisha howlgalka Almiskaad ayaa sheegay in labada argagixiye loo gudbin doono xarunta dhexe ee taliska Boosaaso, si loo maro nidaamka baarista sharciga ah, ka hor inta aan loo gudbin maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland, iyagoo si gaar ah diiradda u saaraya la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatar ku haya shacabka iyo deganaanshaha gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM