Ciidamada Somaliland oo la wareegay Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland - Ciidamada Somaliland ayaa saaka aroortii la wareegay gacan ku haynta Tuulada Tukaraq oo qiyaastii 86KM u jirta magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in la wareegista ay timid kadib markii ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen Tuulada oo horey ay u joogeen ciidamada Puntland.

Dagaal kooban ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac uu halkaas ku dhexmaray, inkastoo markii dambe ay u suurta gashay ciidamada Somaliland inay si buuxda gacanta ugu dhigaan Tukaraq.

Tuulada Tukaraq oo hoos timaada degmada Laascaanood ayaa waxay aheyd meel ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, oo horeyna dhowr jeer ugu dhexmaray dagaallo khasaaro sababay.

Qabsashada Tukaraq ayaa imaaneysa xilli magalada Garoowe ku sugan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay uga billaabatay deegaanada Puntland booqasho maalmo qaadanaysa.

Warar hoose oo Warsidaha GO soo gaarey ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta iyo Odayasha Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn kasoo jeeda ay xalay la kulmeen Madaxweynaha, iyagoo ka codsaday inuu booqdo Tukaraq iyo degaano kale oo ku dhaw.

Wali dowladda Puntland kama aysan hadlin la wareegista Tukaraq.

Wixii kusoo kordha la wareegista Tukaraq kala soco wararkeena dambe

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM