​Culimada Puntland oo kasoo horjeesatay Bandhig Faneed [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Culimaa'uddiinka magaalada Garowe ayaa kasoo horjeestay Bandhig faneed ay magaalada ku qabatay fannaanada Nasteexo Indho oo dhawaan katimi Qurbaha taasoo kasoo qayb gashay xuska 18 guuradii Puntland ee qabsoontay 1 Augusto.

Bandhiggan oo lagu qabtay Puntland TV, ayaa culimadu ku sheegeen inuu yahay mid Xaaraam ah islamarkaana aysan ogolayn diinta Islaamka iyagoo xusay inay horseedayso fasahaad iyo dhaqankeenna suuban oo lagu tunto.

Culmimada Arrintan ka hadashay, waxaa kamid ahaa Sheekh Maxamud Xaaji Yusuf, kaasoo aad ugu dheeraaday waxyaabaha diinta Islaamka ka qabto inay is dhexgalaan Ragga iyo Dumarka, isagoo soo daliishay Aayado iyo Axaadiith ka hadlaya masiibada ka dhalan karta arrintaasi.

Shiikha ayaa xusay in dadka Muslimka ah mas'uuliyad kasaarantahay sidii looga hortagi lahaa fasahaad uu xusay in lagasoo min guuriyay waddamo shisheeye, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay ka ilaashadaan ubadkooda.

Wuxuu dowladda ugu baaqay inay qaadato doorkeeda ku aaddan ilaalinta Diinta Islaamka isagoo xusay in arrintan hadii ay sii socoto ka dhalan karto caro EEBBE.

Hadalka culimada magaalada Garowe ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay socday qaban qaabada bandhig fanaceed caawa ka qabsoomay xarunta Tv-ga dowladda kuwaasoo lagu galayay Kharash dhan $15.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM