​Culimada Puntland oo kasoo horjeesatay Bandhig Faneed [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Culimaa'uddiinka magaalada Garowe ayaa kasoo horjeestay Bandhig faneed ay magaalada ku qabatay fannaanada Nasteexo Indho oo dhawaan katimi Qurbaha taasoo kasoo qayb gashay xuska 18 guuradii Puntland ee qabsoontay 1 Augusto.

Bandhiggan oo lagu qabtay Puntland TV, ayaa culimadu ku sheegeen inuu yahay mid Xaaraam ah islamarkaana aysan ogolayn diinta Islaamka iyagoo xusay inay horseedayso fasahaad iyo dhaqankeenna suuban oo lagu tunto.

Culmimada Arrintan ka hadashay, waxaa kamid ahaa Sheekh Maxamud Xaaji Yusuf, kaasoo aad ugu dheeraaday waxyaabaha diinta Islaamka ka qabto inay is dhexgalaan Ragga iyo Dumarka, isagoo soo daliishay Aayado iyo Axaadiith ka hadlaya masiibada ka dhalan karta arrintaasi.

Shiikha ayaa xusay in dadka Muslimka ah mas'uuliyad kasaarantahay sidii looga hortagi lahaa fasahaad uu xusay in lagasoo min guuriyay waddamo shisheeye, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay ka ilaashadaan ubadkooda.

Wuxuu dowladda ugu baaqay inay qaadato doorkeeda ku aaddan ilaalinta Diinta Islaamka isagoo xusay in arrintan hadii ay sii socoto ka dhalan karto caro EEBBE.

Hadalka culimada magaalada Garowe ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay socday qaban qaabada bandhig fanaceed caawa ka qabsoomay xarunta Tv-ga dowladda kuwaasoo lagu galayay Kharash dhan $15.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM