​Cumar Cabdirashiid oo booqasho ku tagay Qardho

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland- Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa maanta lagusoo dhaweeyay degmada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaaso kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Socdaalkan oo ay ku wehelinayeen mas'uuliyiin katisan xukuumadda Puntland, Xildhibaano katirsan Federalka iyo siyaasiyiin ayaa lagu wadaa inuu halkaasi joogo ilaa labo Casho.

Mas'uuliyiinta gobolka Kar-kaar iyo degmada Qardho oo hadallo soo dhaweyn ah jeediyay ayaa ammaanay murashaxnimada Cumar Cabdirashiid, waxayna sheegeen inay u hayaan taageero ballaaran.

Murashax u taagan xilka madaxweynaha dowladda Federalka Somalia oo hadalo kooban jeediyay ayaa sheegay inuu la kulmi doono bulshada ku dhaqan degmadaas isagoo xusay inuu ku faraxsanyahay imaansha xarunta gobolka Kar-kaar oo sida uu hadalka u dhigay ku leh taariikh gooni ah.

Booqashadan Cumar Cabdirashiid ayaa qayb ka ah loollanka uu ugu jiro doorashada sannadkan ka dhici doonta dalka Somalia, waxaana uu deegaanada Puntland ka billaabay loollan ku aadan sidii uu ku heli lahaa xubnaha Puntland u matali doona Barlamanka Somalia.

Doorashada Somalia ayaa la filayaa in dib u dhac kale ku yimaado xilli madaxdii how ee dowlada Federaalka loolan adag ugu jirto sidii lug ugu yeelan laheyd xulashada xildhibanada barlamanada cusub ee Federaalka.

GARWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM