​Cumar Cabdirashiid oo Garowe laga sugayo

Image

GAROWE, Puntland- Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa goordhow lagu wadaa inuu kasoo dago garoonka diyaaraha ee Canoco ee magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda ayaa diyaar garow ugu jira soo dhaweyntiisa.

Ammaanka magaalada, ayaa aad loo adkeeyay iyadoo dadweyne ku labisan calamada Somalia iyo Puntland tageen Airport.

Socdaalka Cumar Cabdirashiid oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin, balse Warsidaha Garowe Online saddex maalin ka hor baahiyay inuu ku wajahanyahay Puntland, ayaa ku qotonta arrimaha murashaxnimadiisa.

Cumar iyo Gaas, ayaa la filayaa inay galabta warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ee Garowe.

Wuxuu kusoo beegmay socdaalkiisa, xilli dalku isu diyaarinayo doorashada madaxtinimo ee dhici doonta bilaha soo socda.

Dhinaca kale, waxay kusoo aaday xilli magaalada Hague uu kasocdo dood ku aadan biyaha Somalia ee Kenya iyo Somalia ku muransanyihiin, waxaana xukuumadda Nairobi ku dooday inay hishiis la gashay xukuumaddi jirtay 2009 oo markaas Ra'isal wasaare ka ahaa Cumar Cabdirashiid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM