​Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Weerar xalay lagu qaaday Nawaaxiga halka loo yaqaano Afar Irdoodka ee magaalada Bosaso ayaa lagu dhaawacay Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Weerarkan oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Daacish, waxaa gaystay rag ku hubaysnaa Bastoolada kuwaasoo goobta ka baxsaday kahor inta aysan soo gaarin ciidamada ammaanka gobolka Bari.

Qof goob jooge ah oo magaciisa u qariyay sababo amni ayaa tilmaamay in weerarkan lagu qaatay taliye xigeenka oo fadhiyay meherad shaah laga cabo taasoo ku taalla goob aad u mashquul badan.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Bari Cornle Cabdixakiim Yusuf Xuseen ayaa tilmaamay in weerarkaas uu ku dhintay hal qof oo shacab ah, sidoo kalena lagu dhaawacay taliye ku-xigeenkii saldhigga Baalade, isagoo intaas ku daray inay wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Cabdixakiim ayaa intaas ku daray inay sidoo kale baaritaan ku wadaan waxa ay ahaayeen kooxdii weerarka fulisay, inkastoo uu tilmaamay inay qayb ka yihiin shakhsiyaadka nabad diidka ah ee inta badan weerarada ka fuliya magaalada Bosaso.

Warar kale oo soo gaaray Garowe Online, ayaa sheegay in weerarkaas kadib sidoo kale dhibaaato kale ka dhacday Cosbitaalka Manhal oo la geeyay dhaawac taliyaha, kadib markii ciidamada ammaanku rasaas ku fureen gaari ku deg degayay dhaawacyada la geeyay goobtaas caafimaad.

Tacshiiradda ciidamadu fureen waxaa ku dhintay qof kamid ahaa kal-kaaliyaasha Manhal taasoo ahayd Haweenay.

Arrintan ayaa la sheegay inay ku dhacday qaabka kama ah, xilli ciidamado xuseen in baabuurkan ay ka shakiyeen xawaaraha uu ku socday.

Dhibaatadan oo dhammaantooda xalay ka dhacday Bosaso ilaa hadda wax war ah kama soo saarin xukuumadda Puntland, waxaana isla maanta Madaxweyne Gaas shahaadooyin guddoonsiiyay ciidamo katirsan kuwa ammaanka oo qaybtood gacanta ku dhigay Qaraxyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM