​DAAWO: Waqtiga Furashada Axsaabta Siyaasadda Puntland oo la kordhiyay

Image

GAROWE, Puntland- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee loo gaabiyo T-PEC, ayaa maanta faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qodobo kasoo baxay shir ay isugu yimaadeen hay'adaha dowladda iyo xubnaha Guddigaas 11 June, 2017 kasoo looga hadlayay hirgalinta nidaamkan iyo sida siyaasiyiinta Puntland u furan lahaayeen axsaab siyaasadeed.

Guddoomiyaha Guddigaas Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe) oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa xusay in kulankaas qabsoomay Labo bilood kahor laga soo saaray dhowr qodob oo ay kamid yihiin in la dhimay Kharashaadka Diinwaangalinta Ururada Siyaasadda.

Sidoo kale shirkaas waxaa lagu go'aamiyay in la sameeyo Maxkamad Dastuuri ah iyo Shir dowladdu u qabato hay'adaha Caalamiga ah ee taageera Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, sida uu xusay Guddoomiyaha Guddiga T-PEC

Shuuqe ayaa sidoo kale Carrabka ku dhuftay in Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabanaya maanta lagu siyaadiyay waqtigii ay xirmi lahayd diinwaangalinta ururada.

Guddiga ayaa Shir-saxaafadeed kaaso ku codsaday in Siyaasiyiinta Puntland u istaagaan sidii ay u furan lahaayeen xisbiyo siyaasadeed sidoo kalena wixii macluumaad ah ka heli karaan xafiiska magalada Garowe.

Lama oga in Siyaasiyiinta Puntland furan doonaan Ururada Siyaasadda xilli sannad iyo Bar ay ka hartay muddo Xileedka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas.

Dowladdu wali ma furan Xisbi iyadoo lagu eedeynayo inaysan ka go'nayn hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.

Febreury, 2016 ayaa lagu dhawaaqay Guddigan, waxaana jira caqabado badan oo ka hortaagan in  nidaamkaas uu ka hirgalo deegaanada Puntland, taasoo ay ugu horayso gaabis dhinaca dowladda ah.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID EE GUDDIGA KMG AH EE DOORASHOOYINKA PUNTLAND

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM