​Dad u dhintey Biyo ay ka cabeen Ceelka Timirshe [Dhageyso]

Image

TIMIRSHE, Puntland - Ugu yaraan 17 qof, oo Caruur ay ku jiraan ayaa u geeriyoodey Biyo ay ka cabeen Ceel looga shakisan yahay inuu sumaysan yahay oo ku yaalla deegaanka Timirshe oo hoostaga Degmada Isku-shuban, ee Gobolka Bari.

Isagoo la hadlayay Radio Garowe, ku xigeenka Gudoomiyaha Deegaanka Timirshe, Cabdulqaadir Abshiir ayaa sheegay in ay jiraan 150 ruux oo la il-daran yihiin xanuuno ay ka qaadeen Biyaha sumaysan.

Ceelkan oo ah, Ceel qadiimi ah, oo mudo dheer aan shaqeyn ayaan wali la garaneynin sunta dadka ay u dhinteen halka ay uga timid, balse waxaa loo sababeynayaa Biyaha ku jira oo aan Nadiif aheyn.

Cabdulqaadir ayaa xaqijiyay in 17-ka qof ay geeriyoodeen labadii Todobaad ee lasoo dhaafay, islamarkaana aysan jirin xaruumo Caafimaad oo ku yaalla Timirshe, oo bukaanada ah lagu daaweeyo.

Isbitaalka yar ee Tuulada Timirshe ayuu sheegay inuusan haysan wax qalab iyo Daawo ah, taasina ay keentay in wax loogu qaban waayo dadka uu soo ritay Cudurka shuban-ka, ay ka qaadeen Biyaha Ceelka.

Sidaasi darteed, Xarumaha Caafimaadka Degmooyinka Carmo iyo Isku Shuban ayaa la gaarsiiyay bukaano fara-badan oo laga keenayo baadiyaha u dhaw Timirshe ee Gobolka Bari.

Maamulka Timirshe, ayaa ugu baaqay Puntland iyo dowladda Federaalka inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan shacabka deegaankaasi, oo aan haysan adeeggyada asaasiga ah, sida Caafimaadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM