​Dad shacab ah oo Garowe ku dhex mudaharaaday [Dhagayso]

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shacabka ku dhaqan magaalada Garowe ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dad asal ahaan kasoo jeeda dalka Ethiopia kuwasoo sida ay sheegeen kusoo badanaya magaalada Garowe.

Dadkan oo maanta galinkii hore bannaan bax ka dhigay Barxadda Garowe ayaa sheegay in dadkaas oo isugu jira qowmiyadaha daga dalka Ethiopia si xad dhaaf ah usoo galeen magaalooyinka Garowe iyo Bosaso.

Waxa ku eedeeyeen inay dhalan rogis ku wadaan dhaqanka dadka Somaliyeed iyo diinta Islaamka iyagoo xitaa sida ay banaan baxayaashu tilmaameen sheeganay lahaanshaha dhulka Somaliyeed.

Qaar kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda ka codsaday in dadkaasi wax laga qabto maada sida ay hadalka u dhigeen laga joojiyay dalka Yemen oo ay inta badan u safri jireen.

Waxay xuseen inay tahay qorshaha ay wadaan mid si dad badan loogu qabsanayo dhulka Somaliyeed iyagoo ku hanjabay inaysan ka kiran doonin guryahooda islamarkaana iska saari doonaan.

Dibadbaxan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa dadka dhigayay waxay u badnayeen haween iyo caruur kuwaasoo watay boorar lagusoo xarday erego ka dhan ah dadka kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Waxaa lagusoo beegay maalmo kadib markii Odoyaasha magaalada Bosaso cabasho xooggan ka muujiyeen dadka sida xad dhaaf ah usoo galaya xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM